9/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 10, 2024
Raysal Wasaare Xamse "Itoobiya waxay rabtaa iney xoog ku qaadato badda ama in loo hirgaliyo heshiiska MOU-ga"
 

Talaado, September, 10, 2024 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta markale si adag uga hadlay xiisada ka dhalatay damaca Itoobiya ku dooneyso qeyb ka mid ah biyaha iyo dhulka Soomaaliya.

Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay iney ka go'an tahay Xukuumaddiisa difaaca qaranimadda Soomaaliya, islamarkaana uusan marnaba aqbali doonin laba arrin oo Itoobiya dooneyso in ku hesho qeyb ka mid ah badda Soomaaliya.

“Itoobiya waxay rabtaa in labo jid midkood oo kala ah iney xoog ku qaadato bada Soomaaliya ama in loo hirgaliyo heshiiska ay la galeen Somaliland, labadaas arrin waxan hayn oo Itoobiya damacsan tahay majirto” ayuu yiri Raysal wasaare Xamse.

Wuxuu sidoo kale xusay Raysal wasaare Xamse in dowladda Soomaaliya ay u madax banaan tahay iney la sameysato xiriir iskaashi dal walba oo ay danaheeda ka dhex aragto.

“Dowlad nagu tiri ciidan ayaan keensaneyna ma jirto lakiin xaq ayaan u leenahay hadii aan Soomaali nahay oo aan u tegnay dowlad Carbeed oo aan dhahnay na caawiya oo ay dheheen waa idin caawineynaan, micnaheeda ma’aha inaan ku duuleyno dowlad kale” ayuu yirir Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Raysal wasaare Xamse ayaa sidoo kale dhaliil adag u jeediyay siyaasiyiin uu tilmaamay iney iska horkeenayaan shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay iney ka fogaadaan wax walba oo wax u dhimaya qaranamida Soomaaliya.

"Madaxda, siyaasiyiinta iyo qof walba oo Soomaali ah waxaa waajib ku ah difaaca dalka, waxaan leeyahay yaan nala kala qoqobi oo meelo hoose wax nagala tusin, qof kasta oo kala qeybinaya dadka Soomaaliyeed oo qabyaalad, gobol gobol iyo dana kalaba ku kala qeybinaya waa cadawga umada Soomaaliyeed" ayuu yiri Raysal wasaaraha.

Hadalka Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa kusoo aadaya, iyadoo dhawaan deegaanada Koonfur Galbeed taageero looga muujiyay joogista ciidamada Itoobiya, islamarkaana deegaanadaas laga diiday in la geeyo ciidan ka socda dalka Masar oo ay dowladu qorsheyneyso.