9/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 10, 2024
Ciidamada Itoobiya oo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo culus ka wada gobolka Gedo
 

Talaado, September, 10, 2024 (HOL) - Ciidamada Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa inay la wareegeen dhammaan garoomada diyaaradaha ee gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid yihiin garoomo muhiim ah sida Luuq, Doolow, iyo Baardheere.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay kaddib markii warar soo baxaya ay sheegayaan in dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso in kumanaan askari oo ka socda Masar la geeyo gobolada Soomaaliya ee xaduudaha laleh Itoobiya.

Dhaqdhaqaaqa ciidamada Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa inay kor u qaadeen xiisadda gobolka Gedo, iyadoo ciidamada Itoobiya ay haatan kalsooni ka haystaan maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, kuwaas oo horey si cad uga soo horjeestay in ciidamada Itoobiya laga saaro deegaanadooda.

Maamuladan ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay kaalinta mugleh ka qaadanayaan dagaalka kooxda Alshabaab.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, oo kasoo jeeda gobolka Gedo, ayaa mar sii horraysay sheegay in bixitaanka ciidamada Itoobiya uu u noqon doono faa'iido weyn kooxda Alshabaab.