9/9/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 1 , 2024
Farmaajo oo digniin culus kasoo saaray wareejinta maamulka hawada Soomaaliya
 

Axad, September, 1, 2024 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa digniin culus u diray dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo ku aaddan qorshaha maamulka hawada Soomaaliya loogu wareejinayo dowlad shisheeye.

War-saxaafadeed uu  soo saaray Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu ku sheegay in uu aad uga walaacsan yahay in tallaabadaas ay wax u dhimeyso Qarannimada Soomaaliya.

Farmaajo ayaa aad u dhaliilay go’aanka dowladda Soomaaliya ay shirkad laga leeyahay Imaaraadka ugu wareejisay mas’uuliyadda maamulka hawada, isagoo ku dooday in arrintaasi ay halis gelineyso amniga qaranka, islamarkaana ay wiiqeyso horumarka laga gaaray duulista hawada Soomaaliya.

Waxa uu ku nuux-nuux saday in dib u soo celinta iyo maamulka hawada Soomaaliya ay ku timid dadaallo badan oo ay sameeyeen khubaro Soomaaliyeed.

"In maamulka hawada loo igmado dowlad shisheeye kaliya ma ahan mid dib u dhac ku ah qaranimada qarankeena, balse sidoo kale waa mid lagu qiyaamay shaqada naf-hurnimada ah ee ay qabteen khubarada maxalliga ah," ayuu yiri Farmaajo.

Waxa uu carrabka ku dhuftay in Duulimaadyada Soomaaliya ay ku talaabsadeen horumar la taaban karo, isagoo sheegay in qalab casri ah lagu sameeyay iyo in dhowr sano gudahood lagu gaaray heerka qiimaynta A ee hawada Sooomaaliya, taasi oo uu sheegay in ay ku timid dadaalkii ay sameeyeen xirfadlayaasha Soomaaliyeed.

Farmaajo ayaa ku booriyay dowladda inay dib u eegto go’aankan, isagoo carrabka ku adkeeyay in khibradaha iyo kaabayaasha ay sameeyeen Soomaalida ay ku filan yihiin ilaalinta iyo maamulka hawada si hufan oo aan shisheeye faragelin.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maamulka hawada ku wareejinaysa shirkad laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta.

Shirkada NAV-PASS ayay dawladda Federaalka heshiis kula gashay aruurinta lacagaha Hawada Soomaaliya.