9/8/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 1 , 2024
Ciidanka dib u xureynta deegaanka oo Al-shabaab kala wareegay deegaano ka tirsan Hiiraan
 

Axad, September, 1, 2024 (HOL) - Ciidamada dib u xureynta deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda ayaa saacadahii laso dhaafay kooxda Al-shabaab kala wareegay ilaa lix deegaan oo hoostaga degmada Halgan ee gobolka Hiiraan.

Ciidamada ayaa burburiyay fariisimo ay kooxdu si dhuumaaleysi ah uga sameysteen deegaanada hoostaga degmada Halgan, kuwaas oo dhaca jiinka wabiga Shabeelle.

"Waxaan ka warhelnay in xubno khawaariijta ka mid ah isku aruursaneyeen deegaanadaan dhaca jiinka wabiga, markay maqleen inaan dhinacooda soo aadnay wayay kala carareen oo wabiga ayay ka gudbeen waa kuwaan difaacyadoodii ay sameysteen ciidankeena ayaa ku jira" ayu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka deegaanka ee Macawiisleeyda Hiiraan.

Sarkaalka u hadlay ciidanka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay in howlgalada noocaan oo kale ah ay sii wadanayaan inta ay ka ciribtiri doonaan deegaanada ay kooxda Al-shabaab kaga sugan yihiin gobolkaas, gaar ahaan Galbeedka gobolkaas oo wali kooxdu ku xoogan tahay.

Howlgalkaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ay gobolkaas ka wadaan diyaar garowgii ugu dambeeyay oo Al-shabaab looga xureynayo Galbeedka gobolka Hiiraan.