5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 9 , 2024
Somaliland iyo Itoobiya oo kala saxeexday heshiis Somaliland loogu tababarayo ciidamo booliis ah
 

Khamiis,  May, 9, 2024 (HOL) - Somaliland iyo Itoobiya ayaa magaalada Addis Ababa ku kala saxeexday heshiis ay Itoobiya Somaliland ugu tababarayso ciidamo booliis ah oo cusub.

Heshiiska oo lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa lagu sheegay in ay dhanacyadu gaadheen heshiis ku saabsan tababarada ciidamada booliiska.

"Hoggaanka Tababarka Ciidanka Booliska JSL Gen. Cabdi Axmed Tiir  iyo Madaxweynaha Jaamacadda Ciidamada Booliska Dawladda Federal Itoobiya Mesfin Abeba ayaa kala saxeexday heshiis muhiima oo ku saabsan tababarrada labada ciidan boolis" ayaa lagu yidhi qoraalka booliiska.

Heshiiskan ayaa daba-socday safar uu dhawaan ku tagay Taliyaha Ciidanka Booliska JSL Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi,  kaasoo kulan la qaatay Taliyaha Ciidamada Booliska Dawladda Federal Ethiopia Komishaneer General Demelashe G/Mechiel, sida uu booliisku baahiyay.

Somaliland iyo Itoobiya ayaa dhawaan kala saxeexday isfaham siyaasadeed iyo dhaqaale, kaasi oo ay Itoobiya ciidamadeeda badda ugu heli doonto saldhig, halka Somaliland ay aqoonsi ka heli doonto Itoobiya iyo in qayb kamid ah ganacsiga Itoobiya loo soo leexiyo Dekedda Berbera.