5/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 8 , 2024
Urur Goboleedka IGAD oo mashruuc biyo galin ah ka hirgelinaysa magaalada Tog-wajaale
 

Arbaco, May, 8, 2024 (HOL) - Urur Gobaleedka IGAD ayaa  magaalada Tog-wajaale ka hirgelinaysa mashruuc looga faa'iidaysanayo biyaha dhulka hoostiisa ah si kor loogu qaado iskaashiga wadamada jaarka ah ee Geeska Afrika.

Masuuliyiintii kasocday wadamada urur goboleedka IGAD oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha DDS, Mustafe Muxummed Cumar oo si heer sare ah loogusoo dhaweeyay magaalooyinka Tog-wajaale ee Deegaanka Soomaalida iyo Somaliland ayaa warbaahinta kula hadlay xudduuda labada magaalo.

"Maanta waxaan halkan ujoognaa qorshe qayb ka ah barnaamij balaadhan oo laga fulinayo Dalalka qaybta ka ah IGAD oo ah dhanka biyaha", Madaxwaynaha DDS, Mustafe Muxummed Cumar.

Madaxweynaha ayaa sheegay in mashruuca ka faa'iidaysiga dhulka biyaha hoostiisa kujira oo ah hindise cusub oo ay hoggaaminayso IGAD uu wax weyn katari doono iskaashiga dhanka biyaha ee ka dhaxeeya dalalka Geeska Africa kajira dhammaantood.

Wafdiga waxaa xudduuda Deegaanka iyo Somaliland kusoo dhaweeyay masuuliyiin uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland, Maxammed Kaahin Axmed.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland ayaa soo dhaweeyay mashruuca isaga oo sheegay in uu wax wayn ka tarayo iskaashiga gobolka, isla markaana waxa uu sheegay in biyaha lagu balaadhin doono magaalada.

Mashruuca biyo-gelinta magaalada Tog-wajaale oo ay ku baxayso In kabadan 490 milyan oo birr.