5/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 8 , 2024
Kenya oo billowday wadahadallo ay Soomaaliya uga dhaadhicineyso inay ka tanaasusho musharaxnimadeeda Midowga Afrika
 

Arbaco, May, 8, 2024 (HOL) - Kenya ayaa billowday wadahadallo ay Soomaaliya uga dhaadhicineyso inay ka tanaasusho musharaxnimadeeda guddiga Midowga Afrika, si ay Soomaaliya u taageerto Raila Odinga oo Kenya u sharraxan.

Kenya ayaa mowqifkeeda si cad ugu sheegtay, intii lagu guda jiray kulan Talaadadii May 7, dhexmaray Madaxweyne ku xigeenka Kenya Rigathi Gachagua, iyo raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Bare oo ku sugan Nairobi.

Kenya waxa ay sheegtay inay u ololeyneyso in Soomaaliya ay la baxdo musharaxeeda Fawzia Xaaji Aadam, sida uu sheegay Dr. Sing'oei oo ah Xoghayaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Kenya.

Sarkaalkan ayaa sheegay inay ku rajo weyn yihiin in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay taageerto codsiga Kenya.

Dr. Sing'oei, waxa uu sheegay in Kenya ay ka go’an tahay in heshiis laga gaaro cidda ku habboon in ay matasho gobolka Geeska Afrika oo hoggaamin doona Midowga Afrika.

Kenya ayaa sidoo kale qorsheynaysa wareeg kale oo wadahadal ah oo ay la yeelato Jabuuti, oo horraantii Abriil ku dhawaaqday musharraxeeda guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf.

Warkan kasoo baxay Kenya, ayaa kusoo beegmay, ka dib markii Soomaaliya ay sheegtay inay taageero ka haysato Ururka Iskaashiga Islaamka, oo ah urur ay ku jiraan in ka badan 27 dowladood oo Afrikaan ah.