5/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 8 , 2024
Dowladda Soomaaliya oo beenisay in dad rayid ah lala beegsaday duqeymo ay geysteen diyaaradaha Turkigu
 

Arbaco, May, 8, 2024 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan jirin wax khasaare oo dad rayid ah oo ka dhashay duqeymo ah ay geysteen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya oo ka jawabayay warbixin kasoo baxday hay’adda udoodda xaquuqda Aadanaha ee Amnesty, ayaa sheegay in aanay dawladdu hayn xog dad rayida oo wax ku noqday hawgallada ay ku jirto ee ka dhanka ah Al-shabaab.

‘’Hawgallada dabcan ay ciidamadu ku jiraan waddanka oo dhan ayay ka socdaan, annagu waxa aan kuu sheegi karno waxa weeye, hawlgal ay fuliyeen ciidamada oo ma aragtay waxyeelo dad rayid ah ka soo gaartay ma jirto, ciidankuna feejignaan heer sare ah ayay ku hawlgalaan,” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Al-caddaala.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta waxa uu sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan Drones-ee laga leeyahay dalka Turkiga ay u cayiman yihiin halka bartilmaameedyadooda ah.

Alcaddaala wuxuu sheegay goobaha kala duwan ee ay dagaaladu ka socdaan in aysan jirin war sugan oo ku saabsan dad shacab ah oo waxyeelo soo gaartay, wuxuuna sheegay in ay dowladdu si joogta ah dabo gal ugu sameeyso cabashooyinka dadka kasoo baxa.

Amnesty International ayaa warbixinteeda ku sheegtay in 23 qof oo rayid ah lagu dilay labo weerar oo ka dhacay Soomaaliya oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay samaysay shirkadda Turkiga ee Baykar.