5/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 7 , 2024
Dowlada Fedaraalka oo ka digtay dhibaatooyin ka dhici kara 10 cisho gudahood gobolo ka mid ah dalka
 

Talaado,  May, 7, 2024 (HOL) - Hay'adda Maareynta iyo Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA ayaa soo saartay digniino hor leh ku aadan in maalmaha soo socda qaar ka mid ah gobolada dalka ka da'i doonaan roobab ay ka dhalan karaan daadad iyo fatahaado.

War qoraal ah oo kasoo baxay hay'adda SODMA ayaa lagu sheegay in tobanka cisho ee soo socota roobabka filayo iney da'aan gobolada kala Hiiraan, Gedo, Jubbooyinka iyo Shabeelaha Dhaxe iney saameyn xoogan oo dhanka nolosha ah ku yeelan karaan dadka iyo duunyada kunool goboladaasi.

"Tobanka casho ee soo socota ee 07-da illaa 16-ka bisha May 2024-ka waxaa aad u sareeya suurta-galnimada in ay ka dhacaan fatahaado isugu jira kuwo ka yimaadda wabiyada iyo togaga soo rogmada, kuwaas oo aadka u saameeyndoona qaar ka mid ah degmooyinka dalka Sida; Doolow, Luuq, Bu’aale, Jilib, Beledweyne, Bula-burde, Jalalaqsi, Mahaday, Jowhar, Balcad iyo qaar kale oo webiga uusan marin" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay SODMA.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa ugu baaqday dadka ku nool gobolada iyo  magaalooyinka laga cabsi qabo in daadadka iyo fatahaadu saameyn karaan iney galaan feejignaan dheeri ah, si ay uga bad baadaan saameynta ka dhalan karta dhibaatooyinkaas.

Digniintaan markii sadaxaad kasoo baxday hay'adda SODMA ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo wabiyada Jubba iyo Shabeelle ay wadaan biyo aad u farabadan, islamarkaana roobab xoogan ay ka da'ayaan qaar ka mid ah gobolada dalka.

Hoos ka akhriso qoraalka Hay'adda SODMA kasoo baxay oo dhameystiran:-