5/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 4 , 2024
Howlgalo lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Gedo
 

Sabti, April, 4, 2024 (HOL) - Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland ay ka sameeyeen saacadahii lasoo dhaafay deegaano ka tirsan gobolka Gedo.

Ciidamada is kaashanaya ayaa howlgalada ka fuliyay deegaano dhowr ah oo u dhaxeeya degmooyinka Luuq iyo Doolow ee gobolka Gedo oo ay horay ugu sugnayeen kooxda Al-shabaab.

Taliyaha guutada 10-aad ee qeybta 43-aad Gaashaanle sare Cismaan Niiniile oo hoggaaminaayay howlgalada ayaa warbaahinta u sheegay iney ku dileen 6 ka mid ah kooxda Al-shabaab, islamarkaana ay ku dhaawaceen tiro intaas ka badan.

Taliye Niiniile ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada dowladda Fedaraalka ay ka go’an tahay joogtaynta howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab oo ay ka wadaan deegaanada gobolka Gedo.

Howlgalkaan ayaa qeyb ka noqonaya howlgalo mudoyooyinkii dambe ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland ay ka sameynayeen deegaanada ay Al-shabaab kaga sugan yihiin Jubbaland.