6/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 27, 2024
Wasiir Faarax Sheekh Cabduqaadir "Aduunyadu way soo celisay ictiraaf raadinta Somaliland"
 

Isniin, May, 27, 2024 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa isaga oo ku sugan dalka Ingriiska si adag uga hadlay damaca dowladda Itoobiya ee ku aadan badda Soomaaliya.

Wasiir Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa sheegay in Itoobiya waligeedba ku hamin jirtay iney hesho qeyb ka mid ah dhulka iyo biyaha Soomaaliya.

"600 oo sano ka hor ayay Itoobiya damcin jirtay iney hesho qeyb ka mid ah biyaha iyo dhulka Soomaaliyeed, umana suurta galin, hada kadibna suurta gali meyso, waliba anago hada cunaqabateyntii hubka inagala qaaday oo argagaxisada la dirirnay. waxa dowlado badan ay arki la yihiin Soomaaliya oo meel hoose tagtay hadana dib usoo laabtay" ayuu yri wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabduqaadir.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay wasiirka in dalka Soomaaliya uu leeyahay hal ciwaan oo ah dowladda fedaraalka Soomaaliya, islamarkaana qabiil iyo maamul goboleedba aysan aheyn ciwaanka saxda ee Soomaaliya.

"Waxaa jira dad ciwaano badan la baxay oo si qaldan wax u raadinaya sida walaalaheena sheegtay iney naga goosteen ee Somaliland, waxaan u sheegaya in waxa ay raadinayaan ee Ictiraafka la leeyahay in waxqtigiisa uu soo dhamaaday dalkuna u leeyahay hal dowlad, waxaan leyahay si qaldan wax ku raadin" ayuu yri Faarax Sheekh Cabduqaadir.

Hadalkaan ayuu wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ka jeediyay kulan ka dhacay dalka Ingiriiska oo guddiga difaaca qadiyadda ilaalinta badda iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya la qaateen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas, kaasoo looga hadlaayay sidii Jaaliyadda UK door weyn uga qaadan laheyd difaacida qadiyadda dhuleed ee Soomaaliya.