6/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 21, 2024
Hay'adda maaraynta musiibooyinka oo digniin kasoo saartay duufaan culus oo kusoo wajahan degaanada xeebaha
 

Talaado, May, 21, 2024 (HOL) - Hay'adda Maareynta Musiibooyinka ee dowladda Soomaaliya ayaa ka digtay loogu magacdaray 𝗟𝗮𝗹𝘆, taas oo ku soo wajahan magaaloyinka xeebaha dhaca, si gaar ah Muqdisho, Baraawe, Marka, Jamaame, kismaayo iyo Badhaadhe.

Warsaxaafadeed kasoo baxay hay’adda, ayaa lagu sheegay, cabsida ugu weyn ee laga qabo duufaan inay tahay, in ay geysato burbur hantiyeed. Waxay hay’addu si gaar ah walaac uga muujisay degaanada xeebaha, halkaas oo ah meelaha ugu nugul oo ay dufaantu khasaaraha ugu weyn ka geysan karto.

Hay’addu waxay uga digtay dadka ku nool degaanada xeebaha inay ka feejignaadaan khataraha ka dhalan kara duufaanta kusoo wajahan degaanadooda, waxayna u sheegtay inay badda ka saaraan qalabka kalluumaysiga, kana fogaadaan aagga xeebaha.