6/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 21, 2024
Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo sheegay in Somaliland ku jabi doonto hadii ay dagaal kale ku qaado Laascaanood
 

Talaado,  May, 21, 2024 (HOL) - Hoggaamiyaha Maamulka SSC Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye ayaa Somaliland uga digay in ay dagaal kale ku qaado deeganadiisa, isaga oo sheegay in ay jabin doonto.

Hoggaamiye Firdhiye oo ku sugan cariga Talyaaniga, ayaa jaaliyada reer SSC Khaatumo ee magaalada Rooma uga warbixiyay xaalada deegaanadii iyo dadkii uu ka yimid.

"Hada Muuse waa soo xayd xaydanayaa, intii dagaalka lagu guda jiray hablaha reer Hargaysa waxa hal ku dhag u ahayd Muusow ciidanka fasax, Muuse hada wuxuu leeyahay ka baydha waan fasaxayaaye, inshallah wuu ku jabi" ayuu yidhi Firdhiye.

Firdhiye waxa uu sheegay in ay ka shaqaynayaan sidii deegaanada SSC Khaatumo ay u noqon lahaayeen qaar nabad ah oo xasiloon, isla markaana loo tirtiri lahaa raadkii ay dagaaladu ka tageen.

Isaga oo ku goodiyay in qaar kamid ah askarta Somaliland ee ay gacanta ku hayaan ay horgayn doonaan cadaalad, dhawaan ayuu sheegay in kiis ka dhan ah madaxda Somaliland uu u gudbiyay Maxkamada Dambiyada Dagaalka.

Somaliland ayaa dhankeeda sheegtay in ay si dhakhso ah gacanteeda ugu soo celin doonto deegaanadii ay ku lumisay dagaalkii kal hore ka dhacay gobolka Sool.