6/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 20, 2024
Boosaso: Rag loo haysto inay Alshabaab la shaqayn jireen oo lasoo taagay maxkamadda ciidamada Puntland

Isniin, May, 20, 2024 (HOL) - Shan nin oo loo haysto inay kooxda Alshabaab la shaqeyn jireen ayaa lasoo taagay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowlad goboleedka Puntland xarunteeda magaalada Boosaaso.

Raggaan ayaa lagusoo eedeeyay dambi ah, inay gaadiidkooda ugu adeegi jireen Alshabaab, iyagoo usoo qaadi jiray xubnaha Shabaabka ee ku sugan dhulka buuraleyda ah si ay howlgallo dilal ah uga fuliyaan magaalada Boosaaso.

Xeer ilaaliyaha maxkamadda ayaa sheegay in raggaan lagusoo qabtay markii dabagal lagu sameeyay labo kiis oo dil ah oo magaalada Boosaaso ka dhacay. Xeer ilaaliye ku xigeenka maxkamadda ciidamada ayaa sheegay in ragga dilka geystay lagu qaaday gaadiid Brobox ah oo ay lahaayeen eedeysanayaasha maxkamadda la horkeenay.  

Caddeymaha ay xeer ilaalintu soo bandhigtay ayaa waxaa kamid ah moobaylka mid kamid ah labada nin ee la dilay, kaasoo laga dhex helay mid kamid gaadiidka loogu adeeggayay Alshabaab.

Qaar kamid ah eedeysanayaasha ayaa ku dooday in hanjabaad ay kala kulmeen Alshabaab ay ku khasabtay inay gaaadiidkooda ugu fuliyaan howlaha ay doonayaan, halka qaar kalena ay sheegeen in ogaal la'aan ay ugu shaqaynayaan Alshabaab.

Si kastaba ha ahaatee, Maxkamadda ciidamada ayaa lagu wadaa inay maanta soo saarto xukunka 4 kamid ah raggaan, iyadoo fasaxday mid kamid ah eedeysanayaasha oo lagu waayay wax dambi ah.