5/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 2 , 2024
Beelweynta Abgaal oo ku baaqday inuu is casilo madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe
 

Khamiis, May, 2, 2024 (HOL) - Duubabka dhaqanka, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Beesha Abgaal oo dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay shir uga socday gudaha magaalada Muqdisho ayaa ugu dambeyn bayaan ay shirkaasi kasoo saareen waxaa ka mid aha in madaxweynaha maamulka Hirshabeelle looga dalbaday inuu is casilo.

Bayaanka kasoo baxay shirka waxaa si weyn loogu dhaliilay hanaanka jiritaanka Hirshabeelle iyo hogaaminta Cali Guudlaawe Xuseen oo ay sheegeen inuu ku fashilmay hogaaminta maamulkaas, islamarkaana loo baahan yahay jaanis kale oo lagu xaliyo caqabadaha haysta Hirshabeelle .

"Madaxweyne Cali Guudlaawe waa inuu ka tanaasulo hoggaaminta Hirshabeelle, sababtoo ah wuxuu qeyb ka yahay qacabadaha maamulka, sidaas darteed xalka qeyb kama noqon karo. Waxaan iclaamineynaa shirweyne ay isugu imaanayaan dhamaan waxgaradka, siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka Hirshabeelle, si looga tashado dhismaha HirShabeelle cusub. Waxaan ugu baaqeynaa Madaxweyne Xasan Sheekh inuu si dhow ula socdo xaaladda Hirshabeelle" ayaa lagu yiri bayaanka laga soo saaray shirka Beesha Abgaal.

Waxaa sidoo kale ay sheegaan Duubabka iyo waxgaradka Beesha Abgaal in deegaanada Hirshabeelle ay yihiin kuwa ugu qanisan guud ahaan dalka, hayeeshee haatan ay yihiin deegaanada ugu nasiibka xun Soomaaliya, taasina uu sababteeda leeyahay madaxweyne Cali Guudlaawe.

Warkaan kasoo yeeray beelweynta Abgaal ayaa kusoo beegmaya, iyadoo tan iyo dhismahii maamulka Hirshabeelle ay tabasho xoogan qabtay beelweynta Xawaadle oo si weyn u diidan hanaanka awood qeybsiga Hirshabeelle, taasoo sababtay in Hiiraan looga dhawaaqo maamul ka madax banaan Hirshabeelle oo la magac baxay Hiiraan State, waxaana xusid mudan in diidmada beesha Xawaadle ay si weyn u cuuryamisay horusocodka Hirshabeelle.