6/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 19, 2024
Shir u dhaxeeya dowladda Fedaraalka iyo dowlad goboleedyada oo Maanta ka furmay Dhuusamareeb

Axad, May, 19, 2024 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ka furmay shir u dhaxeeya Wasaaradda Amniga gudaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, Wasiiradda Amniga maamul goboleedyada dalka iyo Taliska Booliiska.

Shirkaan ka furmay Dhuusamareeb oo socan doono muda laba maalmood ayaa dhinacyada waxay kaga arinsan doonaan arrimo muhiim ah oo quseeya amniga guud ee dalka.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Fedaraalka Cabdulahi Sheekh Ismaciil Farataag ayaa sheegay in ujeedada shirkaan iney tahay  tayeynta ciidamada Boliiska Heer Federaal iyo dowlad Goboleedba.

 â€œIskaashiga iyo wadajirka Wasaaradaha Amniga iyo Talisyada Booliiska ee labada heer waa muhiim, si loo gaaro hadafyada amniga ee Qaranka. Qorshaha Istiraatijyadda Amniga Gudaha, iyo Bixitaanka ATMIS Kadib.Waxaan rajeynayaa natiijooyin wax ku ool ah oo kor u qaadaya amniga iyo nabadda Soomaaliya in shirkan ay nooga soo baxaan" ayuu yiri Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Fartaag.

Shirkan uga furmay Dhuusamareeb Wasaarada amniga gudaha Soomaaliya, Wasaaradaha amniga dowlad goboleedyada iyo Taliska Booliiska ayaa kusoo beegmaya, iyadoo dhamaadka sanadkaan lagu wado in dalka isaga baxaan ciidamada ATMIS, islamarkaana amniga dalka si buuxdo ula wareegi doonaan ciidamada dowladda Soomaaliya.