6/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 18, 2024
Munaasibada xuska 18 May oo looga dabaaldagay Somaliland
 

Sabti,  May, 18, 2024 (HOL) - Munaasibada 18 May ee 33 guurada kasoo wareegtay markii ay Somaliland ku dhawaaqday gooni isutaaga 1991, ayaa si wayn looga xusay guud ahaan deegaanada Somaliland.

Kadib maalmo ay shacabka Somaliland dabaaldagyo isdaba joog ah ka dhigayeen magaalooyinka waa wayn, waxa saaka fagaarayaasha badadiba magaalooyinka Somaliland layskugu yimid xuska 18 May.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, madaxda mucaaradka iyo saraakiil kala duwan, ayaa saaka magaalada Hargaysa kaga qaybgalay xuska 18 May, isaga oo madaxweynuhu uu salaan ka qaatay ciidamada kala duwan.

"Somaliland maaha gobolo dal ka goosanaya sida Afrika ka baqato, cidwaliba waxay qirsantahay in aynu ahayn laba dal oo isku tagay, warbixintii Midowga Afrika ee 2005 waxay ku sheegeen in Somaliland ay ka duwantahay arrimaha kale ee Afrika" ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Madaxweynihii Hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin oo isaguna munaasibada ka hadlay, ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay midnimo iyo isku duubni munaasibada xuska 33 guurada Somaliland.

Munaasibada 18 May ayaa sidoo kale laga xusay badiba gobolada iyo degmooyinka Somaliland, waxaana deegaanada kala duwan loo kala diray masuuliyiin ka tirsan xukuumada.