6/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 17, 2024
Cabsida laga qabo inuu ku fataho wabiga Shabeelle xaafadaha Baledweyne oo sii kordheysa
 

Jimco, May, 17, 2024 (HOL) - Waxaa saacadba saacada ka dambeysa sii kordheya cabsida laga qabo inuu karkaarada ku jabsado wabiga Shabeelle gudaha magaalada Baledweyne xarunta gobolka Hiiraan.

Bulshada ku dhaqan xaafadaha Kooshin iyo Buundaweyn ayaa ku guuleystay iney iska xiraan goobo ku yaala xaafadahaasi oo qarka u saarna in biyuhu kasoo baxaan.

Goobaha dadka xaafadahaas ku guuleysteen iney iska xiraan ayaa kala ah Bilisdiid iyo Nuur macalin, waxaana la sheegay in meelahaas ay jabiyeen markii hore kooxo ka macaasha fatahaada, sida ay inoo sheegeen dadka xaafadahaas.

Wabiga Shabeelle ee dhexmara guud ahaan Baledweyne ayaa haatan wada biyo aad u farabadan, iyadoo heerka biyaha haatan ay marayaan heerkii ugu sareeyay, islamarkaana la filan karo saacadaha soo socda inuu ku fataho qeybo ka mid ah Baledweyne.

Cabsida fatahaadaan ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo wali aysan kasoo kabsan shacabka reer Baledweyne dhibaatadii kasoo gaartay fatahadii ku dhufatay Baledweyne dhamaadkii sanadkii lasoo dhaafay ee 2023.