4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 28, 2024
Maamulka gobolka Banaadir oo ka hadlay Shilkii naxdinta badnaa ee Shalay ka dhacay Muqdisho
 

Khamiis, Maarso, 28, 2024 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa soo saaray amar ku socda gaadiidleeyda, gaar ahaan kuwa Xamuulka, kadib shilkii naxdinta badnaa ee Shalay gabal dhacii ka dhacay Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho oo gaaray Xalay goobta uu shilka ka dhacay ayaa ugu horeyn nasiib darro ku tilmaamay dhacdadaasi xanuunka badaneyd ee gaariga xamuulka ah ee siday konteenar uu kula dul rogmaday gaari Hoomey ah oo ay la socdeen dad rakaab ah, kaasoo sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

“Waxaa nasiib  darro ah in baabuur noocaas ah uu xiligaas oo kale uu maro wadooyinka Muqdisho, waliba isaga oo xawaare sare ku socdo kadibna uu halkaas ku gadoomo, horay awaamiir ayaa looga soo saaray baabuurta xamuulka ah oo ah in aysan socon karin maalintii oo habeenkii 10:00 habeenimo wuxii ka dambeya lasoo fasaxo” ayuu yiri guddoomiye Madaale.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay in masuuliyada dhibaatada shilka ka dhalatay ay qaadaneyso cidii kasoo fasaxday gaariga Xamuulka ah inuu kasoo baxo dekada weyn ee Muqdisho.

“Dambiga waxaa qaadayo cidda soo fasaxday ayada oo waqtigii amarkaas la bixiyay kahor ay tahay” ayuu yiri guddoomiye Yuusuf Madaale.

Hadalka guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa kusoo beegmaya, xili galinkii dambe ee Shalay gaari Xamuul ah uu ku dul rogmaday gaari nooca dadweynaha oo ay ku dhinteen afar ruux oo saarna halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen.