4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 26, 2024
Wanlaweyn: Nin Xaaskiisii hore oo Caruur u dhashay ku dilay oo isna toogasho lagu dilay
 

Talaado, Maarso, 26, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil argagax leh oo Shalay galinkii dambe ka dhacay xaafad ka tirsan degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii nin dhalinyaro ahaa uu halkaasi ku dilay xaaskiisi hore oo u dhashay afar caruur ah.

Ninkaan dhalinyarada ahaa ee dilay Xaaskiisii hore oo aan wali la shaacin magaciisa ayaa dilka Xaaskiisii hore oo lagu magacaabi jiray Seynab Xuseen Cumar u adeegsaday qori AK47, hayeeshee dilka kadib waxaa isna toogtay ciidamo ka tirsan kuwa amaanka degmada Wanlaweyn, isagoo doonayay inuu baxsado.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada degmada Wanlaweyn Ismaciil Xaaji Mukhtaar Gacmadheere oo ka hadlay dhacdadaan naxdinta leh ayaa sheegay in ninkii dilay Xaaskiisii hore in ciidamada amniga degmada ay toogasho ku dileen.

"Ninka dilay Xaaskiisii hore waxaa dilay ciidanka amniga oo garab ka helayay qoyska uu ka dhashay ninka dilay Xaaskiisii hore waxaa la isku dayay in nolol lagu qabto lakiin qorigii uu dilka kusoo geystay ayuu watay wuuna dagaalamay rasaastii ciidanka amniga ayaana sidaas ku dishay, waana bogaadinaya in ciidanka ay fuliyeen howlgal loo baahna" ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada degmada Wanlaweyn Ismaciil Xaaji Mukhtaar Gacmadheere.

Dhacdadaan ka dhacday degmada Wanlaweyn ayaa argagax ku abuurtay shacabka ku nool degmadaas oo si weyn u hadal haaya dhacdadaan ay afar caruur ah ku waayeen mar qura hooyadood iyo aabahii dhalay.

Si kastaba ha ahaatee arrintaan ayaa kusoo aadeysa, iyadoo dilalka ka dhax dhacaya qoysaska Soomaaliyeed dhaxdooda ay si weyn ugu soo kordhayeen mudooyinkii dambe gudaha Soomaaliya.