6/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 9 , 2024
Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo kala qaaday Maleeshiyo beeleedkii ku dagaalamay Galgaduud
 

Axad, Juun, 9, 2024 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug iney ku guuleysteen kala qaadista maleeshiyo beeleed Shalay ku dagaalamay deegaanka Laandheere oo u dhaxeeya magaalooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale.

Ciidamada ku guuleystay iney kala qaadaan maleeshiyaadka beelaha Mareexaan iyo Dir ayaa waxaa hoggaaminaayo taliyaha ciidanka Nabadsigida iyo Sirdoonka maamulka Galmudug Faysal Canood.

Talaabadaan ciidamada ku kala dhex galeen labada Maleeshiyo beeleed ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo Shalay dagaal qaatay ku dhawaad 10 saacadood uu dhexmaray labada maleeshiyo beeleed, kaasoo ay ku dhinteen dad ka badan 50 ruux oo labada dhinac iyo dhaawacyo kor u dhaafaya 60 ruux.

Dagaaladan u dhexeeya beelahaan oo marar badan soo laalaabtey ayaa salka ku haya murun la xariira dhul dawaaqsimeed iyo aanooyin qabiil.

Wasiiradda Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhankooda ku qaabay in deg deg loo joojiyo dagaal beeleedka dhiiga badan ku daatay ee Shalay ka dhacay deegaanka laandheere.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa sidoo kale  dhankiisa u magacaabay guddi heer Wasiiro ah daminta iyo wax ka qabashada dagaalka u dhaxeeya beelaha walaalaha ah ee khasaaraha badan geystay, kaasoo ugu dambeyn maanta ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug ku guuleysteen damintiisa.