6/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 9 , 2024
Yaasiin Faray: Alshabaab labo jiho ayay kasoo weerareen degmada Ceeldheer, waxayna kala kulmeen jab xooggan
 

Axad, Juun, 9, 2024 (HOL) - Taliyihii hore ee hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA, Xildhibaan Yaasiin Farey ayaa sheegay, in Alshabaab ay jab xooggan kala kulmeen dagaalkii ay shalay subax kusoo qaadeen degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Yaasiin Farey, ayaa sheegay, Alshabaab inay labo jiho kasoo weerrareen degmada Ceeldheer, hase ahaatee wxuuu sheegay in aysan u suurto galin inay kasoo gudbaan labo farriisin oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa macaawisleyda ku lahaayeen labo jiho oo kamid duleedka magaalada Ceeldheere.

Waxa uu sheegay, dagaal ku dhawad 4 saac socday in Alshabaab ay dib u gurteen, iyagoo la gaarsiiyay khasaare ballaaran, sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka uu soo gaaray khasaare kooban oo dhimasho iyo dhaawac leh.

Dhinaca kale, wasiirka amniga ee maamulka Galmudug, Maxamed Aadan Gaboobe ayaa sheegay in horey loo sii hayay xogta weerarka Alshabaab, isagoo tilmaamay in ciidamadu ay iska caabiyeen dagaalka ay kusoo qaadeen kooxda Alshabaab.

“Waa loo diyaar garoobay, difaac baana lagu jiray, waana la iska celiyay, oo dib baa loo celiyay. Khasaarihii ay iyagu rabeen inay wax gaarsiiyaan, iyagaa la gaarsiiyay. Dhul 20km ayuu khasaarahooda yaallaa,” ayuu yiri wasiirka amniga Galmudug.

Si kastaba ha ahaatee, Alshabaab ayaa soo bandhigay sawirrada gaadiid ay gubeen iyo maydadka dhowr askari oo ay ku sheegeen inay qeyb ka ahaayeen weerarkii ay kusoo qaadeen farriisimada ciidamada ee degmada Ceeldheer.