7/1/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 30, 2024
Soomaaliya iyo Itoobiya oo wada hadal rasmi ah uu uga furmayo magaalada Ankara
 

Axad, Juun, 30, 2024 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi iyo wafdiga la socda ayaa maanta u ambabaxay Turkiga, halkaasoo ay uga qeyb galayaan wada hadallo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay gar wadeen ka tahay dowladda Turkiga.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay, in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay mabaadi’deeda ilaalinta madaxbanaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka.

Turkiga ayaa Soomaaliya u sheegay inuu diyaar u yahay inuu xalliyo  khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dhawaan, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Turkiga Hakan Fidan ayaa kulamo la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in aysan wax wada hadal ah la gali doonin Ethiopia, illaa iyo inta Itoobiya ay ka laabanayso heshiiska arrimaha badda oo ay kula jirto maamulka Somaliland

Dowladda Soomaaliya ayaa u qabatay bishaan June ee maanta ku eg, inay Itoobiya uga laabato heshiiska badda, haddii kale waxay dowladdu sheegtay in ciidamadeeda ay si degdeg ah dalka uga bixidoonaan.