7/1/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 29, 2024
Faysal Cali Waraabe: Waxa lagu tashaday in laynaga soo weeraro Jabuuti iyo Laascaanood
 

Sabti,  Juun, 29, 2024 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Jabuuti iyo dowlada Soomaaliya ay maleegayaan qorshe lagu waxyeelaynayo Somaliland.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in lagu tashaday in markale la daadiyo dhiiga shacabka Somaliland, isla markaana la burburiyo nabadooda.

"Waxa lagu tashaday in dalkeena laga soo weeraro dhinaca Jabuuti iyo dhinaca Laascaanood, sidii 1988 kii ayaa maanta markale dhiigeena la xalaashaday, waxa lagu tashaday in Somaliland la burburiyo" ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuu ayuu ku eedeeyay in uu maleegayo qorshe Somaliland lagu waxyeelaynayo, si aan Somaliland loo aqoonsanin.

Dhinaca kale, madaxda Somaliland ayuu ku tilmaamay qaar aan war badan ka hayn waxa dhacaya, isaga oo ku baaqay in shacabka Somaliland ay u diyaar garoobaan isdifaacooda.