6/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 28, 2024
Somaliland oo sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya rabo in uu soo celiyo colaadii Soomaalida iyo Itoobiya
 

Jimco,  Juun, 28, 2024 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku eedaysay in uu rabo in uu dib u huriyo colaadii mudada qarniyada ah ka dhaxaysay Soomaalida iyo Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa Madaxweyne Maxamuud ku eedeeyay in uu rabo in uu dib u bilaabo colaadii diinta, dhulka iyo isirka ku salaysnayd ee mudada dheer dhextaalay Soomaalida iyo Itoobiya.

"Xasan waxan leeyahay adiga balaayo kuma hayso, dadka reer Soomaaliya balaay ma hayso, dadka reer Somaliland-na balaayo ma hayso, waxan rajaynayaa in balaayada aad sahadinaysa adiga kugu koobnaato" ayuu yidhi Wasiir Kaahin.

Waxa uu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dhibaato la magaanyahay Somaliland, isaga oo la hadlaya shacabka reer Muqdisho, ayuu sheegay in barigii horena ay dowladii kacaanku sabab u ahayd burburkii, imika uu nin aan talo badan gacmaha ku haynin dhibaato ka dhex abuurayo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ula jeeda Madaxweyne Maxamuud.

Waxa uu sheegay in Somaliland ay diyaargarow ugu jirto in ay is difaacdo, isaga oo sheegay in ciidamo kale oo cusub oo dhallinyaro ah la qorayo, isla markaana xeryaha tababarada dib loo furayo.

Dowlada Soomaaliya ayaa shalay Somaliland ku dartay mid kamid ah khataraha amni ee ay wajahayso.