6/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 27, 2024
Xafiiska Raysal Wasaaraha Itoobiya oo war cusub kasoo saaray heshiiska Somaliland iyo Itoobiya
 

Khamiis,  Juun, 27, 2024 (HOL) - Dowlada Itoobiya ayaa beenisay warar sheegaya in ay ka laabatay heshiiskii is afgarad ee ay horaantii sannadkan la gashay Somaliland.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali, ayaa bulshada loogaga digay wararka been abuur ka ah ee laga faafinayo heshiiska.

"Xafiiska Raysal Wasaaruhu waxa uu dadwaynaha kula talinayaa in ay ka digtoonaadaan wararka been abuur ka ah ee wareegaya baraha bulshada ee ku saabsan isfahankii aanu la galnay Somaliland" ayaa lagu yidhi qoraalka dowlada Itoobiya.

Qoraalka xafiisku waxa uu intaa ku daray in wixii xog ah ee ku saabsan arrimaha guddaha, gobolka iyo caalamkaba lagu baahiyo kali ah boga rasmiga ah ee Xafiiska Raysal Wasaaraha Itoobiya.

"Dadka waxa aanu uga digaynaa in ay ka digtoonaadaan wararka been abuurka ah iyo dadka sida xun u isticmaalaya calaamadayada" ayuu qoraalku kusii daray.

Jawaabta dowlada Itoobiya ayaa imanaysa kadib markii 24 kii saacadood ee lasoo dhaafay ay baraha bulshada wareegaysay waraaq leh sumada Xafiiska Raysal Wasaaraha Itoobiya oo sheegaysa in Itoobiya ay ka baxday heshiiska.