6/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 26, 2024
Madaxweyne Xasan Sheekh “Walaalaha Waqooyi waxaan leeyahay majirto meel dad Soomaaliyeed idinku tashadeen"
 

Arbaco,  Juun, 26, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xalay ka qeyb galay Munaasabad lagu xusayay 64 sano guuradii kaso wareegatay markii gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ay madax banaanida ka qaateen gumeystahii Ingiriiska.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo munaasabada khudbad ka jeediyay ayaa ku booriyay dadka Soomaaliyeed iney adkeystaan midnimada iyo madax banaanida dalkooda, isagoona sheegay in dowladiisa ay ka go'an tahay ilaalinta waajibaadka ka saaran qaranimada iyo jiritaanka Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay madaxweynaha in halgan dheer loo soo galay madax banaanida maanta la haysto, islamarkaana ujeedka dadkii halgankaas sameeyay uu ahaa wadajirta, midnimada shacabka Soomaaliyeed iyo in la isku duubnaado.

“Walaalaha Waqooyiga waxa aan leenahay aan kala tagno Daawo kuma dhalaneyso, idinkana idinka oo tabar yar ayaa meel la idinku cunayaa, anagane innaga oo tababar yar ayaa meel nalagu cunayaa. Dad Soomaaliyeed oo meel intey tageen ku tashadeen, kuna showray dadka waqooyi degan ama qeyb ka mid ah aan layno ama aan la dirirno ma jirto. Dowlad baan lahayn, dhibta iyo burburka dadka dhan buu ka soo wada gaaray, in uu idinka idiin badnaana waa qirsannahay, ma diidanin, waxaanba rabnaa in aad ka daawoowdaan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale si adag uga hadlay damaca dowladda Itoobiya ku dooneyso qeyb ka mid ah biyaha Soomaaliya, isagoona xusay in heshiiskii sharci daradada ahaa ee madaxweyne Muuse Biixii uu la galay Raysal wasaaraha Itoobiya ku sheegay inuu si toos ah uga hor imaanayo qaranimada iyo midnimada Soomaaliya.