6/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 26, 2024
Madaxweyne Xasan Sheikh: Waxaan diyaar u ahay inaan xilkayga uga tago soo celinta midnimada dalka
 

Arbaco,  Juun, 26, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka dhawaajiyay inuu diyaar u yahay inuu xilkiisa madaxweynimo uga tago midnimada Soomaaliya iyo celinta gobolada waqooyi ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo ka hadlayay xuska 64-sano guuradii kasoo wareegtay markii ay xornimada qaateen gobolada waqooyi ee Soomaaliya ee hadda loo yaqaano Somaliland, ayaa sheegay in aysan ogolaan doonin in qeyb kamid dhulka Soomaaliyeed la gooyo.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan kasoo horjeedin in Somaliland heshiisyo ganacsi iyo maalgashi ay la sameysato adduunka, balse waxa uu sheegay inay kasoo horjeedaan wax kaste oo wax u dhimaya midnimada iyo wadajirka Soomaaliya.

“Arrinta aan diidannahay ma ahan horumar iyo iskaashi la soo kordhiyo ee waa in dhulkeenna la qaato. Mitir dhulkeenna ah in la qaatana ma ogalin. Shalay Dekedda Berbera annagu ma bixin, saas oo ay tahay kama daba hadlin, waayo waxaa noo muuqatay in aan la qaadanayn oo ay ahaanayso deked Soomaaliyeed, balse maanta arrinta taagan taas waa ka duwan tahay,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa siodoo kale si adag uga hadlay xadgudubka dowladda Itoobiya ee ka dhan ah madaxbannaanida Soomaaliya, waxa uu sheegay in heshiiska aan sharciga ahayn ee dhexmaray Muuse Biixi iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu yahay mid si toos ah uga horimaanaya qaranimada iyo midnimada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku booriyay shacabka Soomaaliyeed in ay adkeystaan midnimada iyo madaxbannaanidooda, isagoo xusay in dowladdu ay ka go’an tahay, waajibna ay ku tahay ilaalinta qaranimada iyo jiritaanka Soomaaliya.