6/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 26, 2024
Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in ay ka go'antahay in la fuliyo heshiiska Itoobiya
 

Arbaco,  Juun, 26, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in Somaliland iyo Itoobiya ay ka go'antahay in isfahankii badda loo badalo heshiis rasmi ah.

Biixi oo hadal ka jeediyay munaasibada xuska maalinta xornimada ee 26 Juun, ayaa sheegay in Somaliland iyo Itoobiya ay labada ka go'antahay in ay fuliyaan heshiiska oo uu sheegay in uu Somaliland u horseedi doono aqoonsi.

Waxa uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay daacadnimo daro, isaga oo sheegay in aanu diidanayn in heshiis badeed la galo, lakiin uu diidanyahay in ay Somaliland gasho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isna dhankiisa ka hadlay munaasibada 26 Juun ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in aanu kasoo horjeedin in reer Somaliland ay heshiis galaan, lakiin uu kasoo horjeedo in dhul la bixiyo, isaga oo sheegay in ay leedahay khatar mustaqbal.

Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ayaa gobolka ka abuuray xiisad dibulumaasiyadeed oo ka dhaxaysa waddamada Soomaaliya iyo Itoobiya, sidookale qaar badan oo kamid ah urur goboleedyada caalamka ayaa kasoo horjeedsaday heshiiska.