6/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 25, 2024
Somaliland oo sheegtay in dowlada Soomaaliya anay lahayn dekedo ay heshiis kula gasho Itoobiya
 

Talaado,  Juun, 25, 2024 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in dalabka uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u soo bandhigay Itoobiya aanu ahayn fikir ahaan wax suurtogeli kara oo maangal ah.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa X ku sheegay in Soomaaliya anay lahayn deked u dhow Itoobiya oo ay heshiis kula gali karto Itoobiya.

"Xasan Sheekh Maxamuud wali ma fahmin, isfahanka Itoobiya iyo Somaliland kaliya kuma saabsana dekedo, lakiin halka ay dekedu ku taalo, iyo gaadhitaankeeda ayuu ku saabsanyahay, xataa hadii Itoobiya ay aqbasho dalabkiisa dekeda kali ah ee uu maamula waa dekeda Muqdisho oo 1600KM u jirta Itoobiya" ayuu yidhi Wasiir Kaahin.

Waxa uu sheegay in marka laga yimaado masaafada ay xaalada sii xumaynayso Al Shabaab oo uu sheegay in ay maamusho badanka dhulka u dhexeeya Muqdisho iyo Itoobiya, iyo in anay jirin wadooyin ku haboon ganacsiga sida darteedna aanu dalabka Madaxweyne Maxamuud ahayn mid suurogal ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Isniintii sheegay in dowladiisu anay kasoo horjeedin in Itoobiya ay soo gaadho badaha Soomaalida, lakiin uu kasoo horjeedo wadada ay u martay.

Sida Somaliland sheegtay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ayaa hada gabogabo ku dhaw iyada oo Somaliland ay shirkad sharci oo Ingiriis ah u xilsaartay dhamaystirkiisa.