6/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 24, 2024
Somaliland oo odayaasha dhaqanka ka mamnuucday ka garnaqa falalka kufsiga
 

Isniin,  Juun, 24, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa digreeto madaxweyne ku amray in odayaasha dhaqanku anay ka garnaqi karin falalka kufsiga.

Madaxweynaha ayaa amray in maanta laga bilaabo anay odayaasha dhaqanku faragalin karin kiisaska kufsiga, isla markaana waxa uu faray booliiska in eedaysanayaasha falalka kufsiga kali ah maxkamada la horgeeyo.

"Waxa aan go'aamiyay in fal-dambiyeedka kufsiga loo daayo maxkamadaha dalka ee awoodda u leh, si eedaysanayaasha ku kaca fal-dambiyadaas loo mariyo ciqaabta sharci ee ay mutaysteen, sidoo kalena loo xaqiijiyo dhawridda xuquuqaha iyo xoriyaadka aas-aasiga ah ee muwaadiniinta" ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Madaxweynuhu waxa uu faray Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Xeer-ilaaliyaha Guud in ay xaqiijiyaan in eedaysanayaasha ku kaca fal-dambiyeedka kufsiga la horgeeyo maxkamadaha awoodda u leh, isagoo sheegay in ay reebantahay in lagu xaliyo nidaam aan ahayn nidaamka garsoorka.

Odayaasha dhaqanka ayaa hada kahor awood badan ku lahaa ka garnaqiska falalka kufsiga, taasi oo marar badan horseedi jirtay cadaalad daro.