6/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 24, 2024
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta Muqdisho ka furay shirweyne muhiim ah
 

Isniin, Juun, 24, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  maanta magaalada Muqdisho ka furay shirweynaha wadatashiga ee Dallada Bulshada Bariga Afrika, kaasoo ay ka soo qeyb galeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, khubarada dhaqaalaha, Safiirro iyo Wakiillo ka socday Jaamacadaha dalka ayaa lagu soo bandhigay qorshaha Soomaaliya ee Dallada Bulshada Bariga Afrika, gaar ahaan fursadaha ugu jira ganacsatada iyo bulshada rayidka ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dheer ka jeediyay shirka ayaa sheegay in dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ka go'an tahay daris wanaagga iyo in la xoojiyo iskaashiga heer gobol si waafaqsan danaha wadajirka ah ee gobolka, isagoona sheegay in dowladiisa ay mudnaan gaar ah siineyso dhiira galinta maalgashiga iyo in dowladuhu si sharci ah ku wadaagaan fursadaha jira.

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka ayaa sidoo kale xusay in damaca dowladda Itoobiya ee ku aadan helista qayb ka mid ah biyaha Soomaaliya uu yahay mid meesha ka saaraya iskaashiga iyo wax isdhaafsiga dowladaha, Nabadda iyo Xasilloonida gobolka.

“Waxaan Ummadda soomaaliyeed iyo caalamkaba u caddeynayaa, Itoobiya waxaan isku haysanaa qaabka sharci-daarada ah ee ay dooneyso in ay Baddeen kusoo gaarto, waxaan dooneynaa in ay Baddeenna ku timaado hab sharci ah, sida Yugaandha ay ku gaarto Badda Kenya iyo sidoo kale sida Itoobiya qudheedu ay ku gaarto Badda Jabuuti” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeynrii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbadiisa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo iskaashi iyo wadajir si loo horumariyo dhaqaalaha dalka, islamarkaana la abuuro fursado shaqo oo waara, maadama Soomaaliya ay ka jirto shaqo la'aan xoogan oo dhalinyarada ku qasabta in dalka isaga tahriibaan.