6/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 24, 2024
Ciidanka dowladda oo gacanta ku dhigay Nin Ajnabi ah oo ka tirsan kooxda Al-shabaab
 

Isniin, Juun, 24, 2024 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ee ka howgala magaalada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku dhigay nin Ajnabi ah oo ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Ninkaan Ajnabiga ah oo u dhashay dalka Yaman ayaa la sheegay in ciidamadu ay ku qabteen deegaanka Mareeg oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Ceeldheer.

"Ciidanka Qaranka iyo kuwa xaq u dirirka ah ee deegaanka oo helay xogta dhagarqabaha ayaa howlgal baadi-goob ah ka sameeyay xeebaha gobolka Galgaduud, kuwaas gacanta kusoo dhigay ninkaan" ayaa lagu yiri war kasoo baxay dowladda Fedaraalka.

Ninkaan Ajnabiga ah ayaa la tilmaamay inuu ka mid ahaa tirada maleeshiyaadkii Al-shabaab ee dhawaan weeraray degmada Ceeldheer ee ku jabay weerarkaas, islamarkaana isaga iyo tiro kale ay ku lumeen dhulka howdka ah uuna qorsheynaayay inuu doon ka raaco deegaanka Mareeg.

Ugu dambeyntii Ceeldheer iyo nawaaxigeeda waxaa wali ka socda howlgalo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka, kuwaas oo dhawaan si adag isaga difaacay weerar uga yimid dhanka kooxda Al-Shabaab.