6/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 22, 2024
In ka badan 37 kun oo arday ah oo Maanta u fariisatay Imtixaanka Dugsiyada Sare ee dalka

Sabti, Juun, 22, 2024 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo uu wehlinaayay Wasiirka Waxbarashada Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa maanta daahfuray Imtixaanka Shahaadiga fasalka 12-aad ee Dugsiyada sare oo sanad waliba ay qaado dowladda Soomaaliya.

Imtixaanka fasalka 12-aad ayaa sanadkaan waxaa u fariistay arday gaaraysa 37,038 Arday oo dhiganaayay 736 Iskuul oo ku kala yaala dhamaan gobolada dalka, marka laga reebo Puntland iyo Somaliland.

Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay fulisay balanqaadkii ahaa iney muhiimad gaar ah ku bixineyo dhanka Waxbarashada, wuxuuna bogaadiyay qaabka loo soo agaasimay qaadista Imtixaanka iyo diyaarintiisa.

“Maanta waa maalin Qaranka Muhiim u ah oo xaqiiqoobayaan Himilooyin waa weyn uu dalkaan leeyahay, Waxbarashadu waa Himilo weyn oo Xukuumaddu u aragto sida Amniga muhiimaddiisa loo siiyay in lagama maarmaan ay tahay in Waxbarashada loo siiyo, markii aan soo fiirinayay xarunta dhexe ee Imtixaanaadka, sida ay u socoto shaqada iyo wax waliba oo halkaas lagu diyaariyay waan ku faraxsanahay” ayuu yiri Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa dhankiisa ayaa sheegay in ardayda sanadkaan ay ka badan yihiin kuwii sanadihii hore, islamarkaana ay kusoo kordhiyeen goobo cusub oo lagu qaadayo Imtixaanka Shahaadiga.

“Imtixaanka Dugsiga sare fasalka 12aad oo ka dhacayo Gobollada Dalka intooda badan ayaa wax badan lagu soo kordhiyay sidii uu sanadkii hore ahaa marka la eego sanadkii hore, tirada ardayda fariisatay sanadkan waa 37,038 Arday, xarumaha waa 136, Dugsiyada ka qaybgalaya waa 736 Dugsi, Shaqaalaha maamulaya waa 2,870 iyo Tirada Booliiska Amniga sugaya oo ah 2,176 Askari ah” ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Ugu dambeyntii ardayda sanadkaan galeysa Imtixaanka ay qaado  dowladda Fedaraalka ee fasalka 12-aad ayaa 33 sano kadib waxaa sanadkaan ka qeyb galaya ardayda wax ku barata magaalooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle.