6/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 22, 2024
Kumanaan ka tirsan Ciidamada Itoobiya oo soo galay gobolka Hiiraan
 

Sabti, Juun, 22, 2024 (HOL) - Ku dhawaad afar kun oo askari oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay in 48 saacadood ee lasoo dhaafay ay soo galeen qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan, kuwaas oo tagay degmada Matabaan.

Ciidamadaan oo ah kuwa aad u hubeysan ayaa qaab lug ah uga soo talaabay xadka gobolka Hiiraan uu la wadaago dhulka dowlad deegaanka Soomaaliya Itoobiya, gaar ahaan degmada Feerfeer ee gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan Bashiir Sheekeeye ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada Itoobiyaanka saraakiisha hoggaamineysa iney la kulmeen, islamarkaana haatan ay dib ugu laabteen dhinaca xadka.

Wuxuu sheegay guddoomiyaha in ciidankaan Itoobiyaanka u jeedka ay usoo galeen gudaha gobolka Hiiraan iney aheyd baacsi ay ku hayeen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Soo galitaanka gudaha Soomaaliya ee ciidanka Itoobiya ayaa kusoo beegmaya, iyadoo ay wali taagan tahay xiisad u dhaxeysa Soomaaljya iyo Itoobiya, taasoo ka dhalatay is afgaradkii badda ee Soomaaliya oo ay kala saxiixdeen bilowgii sanadkaan Itoobiya iyo Somaliland.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ciidamo Itoobiyaan ah oo aan ka mid aheyn kuwa howlgalka ATMIS ay usoo talaabaan gudaha Soomaaliya, waxaana sidaan oo kale marar badan uga soo gudbeen ciidanka Itoobiya xaduudaha ay la wadagaan gobolada kala ah Hiiraan, Baay, Bakool iyo Gedo.