6/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 22, 2024
Ardayda Laascaanood oo 15 sanno kadib aan ka qaybgalin imtaxaanka shahaadiga ah ee Somaliland

Sabti,  Juun, 22, 2024 (HOL) - 38 kun oo arday oo iskugu jira ardayda fasalada 8aad ee dugsiyada dhexe iyo fasalada 4aad ee dugsiyada sarre, ayaa saaka u fadhiistay imtaxaanka shahaadiga ah ee Somaliland, ardayda reer Laascaanood ayaan imtaxaanka qayb ka ahayn.

Sida uu baahiyay Muuqbaahiyaha Qaranka Soomaaliyeed ardayda magaalooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle ayaa maanta u fadhiistay Imtixaanka shahaadiga ah ee ay qaadeyso dowladda federaalka Soomaaliya.

"1,154 arday oo wiilal iyo gabdho isugu jira ayaa Imtixaanka gelaysa, waxaana goobaha Imtixaanka lagu qaadayo ku sugan saraakiil ka socota Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS" ayaa lagu yidhi warbixinta muuqbaahiyaha qaranka.

Dhanka kale Guddoomiyaha Xafiiska Imtaxaanaadka Somaliland Daa'uud Axmed Faarax ayaa sheegay in ardayda reer Laascaanood ay imtaxaanka ku galayaan deegaano ay Burco kamid tahay.

Xukuumada Somaliland ayaa kal hore lumisay gacan ku haynta magaalada Laascaanood kadib diidmo ay kala kulantay dadka deegaanka, oo dagaal la galay ciidamada Somaliland.