6/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 21, 2024
Suldaanka Guud ee Somaliland oo sheegay in uu ka badbaaday iskuday dil

Jimco,  Juun, 21, 2024 (HOL) - Suldaanka Guud ee Somaliland Suldaan Da'uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa sheegay in uu shalay ka badbaaday dil kadib markii uu askari xabad ku riday.

Suldaanka ayaa waraysi uu MMTV siiyay ku  sheegay in la damcay in la dilo, oo ay askartu xabad u adeegsadeen kadib mudaharaad lagaga soo horjeeday xadhiga Cismaan Cumar Dool oo ka tirsan xisbiga Waddani oo uu qayb ka ahaa.

"Maanta dalka waxa la doonayay in fawdo, mudaharaad, buuq iyo dil ay ka dhacdo, nin Ciidagale ah ayaa nin Ciidagale ah loo xidhayay, in meeshan uu Ibrahin Caydiid ka taliyo iyo in uu Madaxweynuhu ka taliyo caqligayaga way gali wayday" ayuu yidhi Suldaanku.

Waxa uu dhallinyarada ugu baaqay in ay nabada ilaaliyaan isaga oo sheegay in xukuumadu damacsanayd in uu dagaal ku dhawaaqo oo dhibaato dhacdo, lakiin uu isagu nabada qaadanayo.

Duqa magaalada Hargaysa Cabdikariin Axmed Mooge ayaa sheegay in askari kamid ah ilaalada madaarka Cigaal uu xabad ku riday mudaharaadayaasha, isaga oo sheegay in uu sharciga la tiigsan doono askariga.

Ibraahin Caydiid oo ah shakhsiga uu suldaanku ku eedeeyay in uu xidhay Dool ayaa iska fogeeyay eeda, isaga oo sheegay in aanu isagu wax lug ah ku lahayn xadhigiisa. Caydiid ayaa ah shakhsi baraha bulshada ka taageera xukuumada.

Dool ayaa shalay lagu xidhay madaarka xili uu dibada ka yimid, waxaana mudaharaad sameeyay taageerayaal garoonka Cigaal u tagay in ay soo dhaweeyaan oo uu suldaanku ku jiro, Dool ayaa wali xidhan.