6/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 21, 2024
Ciidamada Burundi ee ATMIS oo guud ahaan faarujiyay magaalada Jowhar
 

Jimco, Juun, 21, 2024 (HOL) - Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa isaga baxay degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe ahna caasimadda maamulka Hirshabeelle.

Saraakiil katirsan howlgalka ATMIS ayaa ku wareejiyay Ciidanka Xoogga Dalka Saldhigyadii ciidamada ATMIS ay ku lahaayeen magaalada Jowhar, taasoo qeyb ka ah wejiga 3-aad ee bixitaanka ciidamada shisheeye.

Ciidamada Burundi ee katirsan ATMIS ayaa saddex saldhig ku lahaa Jowhar. Howlgalka ATMIS ayaa u qorshaysan inuu 4,000 oo askari kaga saaro Soomaaliya dhammaadka bishaan June, taasoo ah jadwal horey u degsanaa oo lagu heshiiyay.

Madaxa Qaybta Militariga ATMIS, Gaashaanle Sare Suleymaan Ibraahim ayaa u xaqiijiyey dadka Soomaaliyeed in aysan jiri doonin wax faaruq ah oo amni inta ay socoto dhimista ciidamada. Wuxuu ammaanay hawlkarnimada iyo naf hurnimada ay Ciidamada Amaanka Soomaaliya iyo ciidamada Burundi ee ATMIS ee sii baxaaya ay ku bixiyeen xasilinta amniga gobolka.

Bixitaanka ciidamada ayaa kusoo aaday, iyadoo dowladda Soomaaliya ay codsi u dirtay Midowga Afrika si dib loogu dhigo bixitaanka ciidamada ATMIS. Waxay dowladda muujisay khatar dhinaca amniga ah oo ka taagan Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa doonaysa in 2,000 askari kaliya laga saaro dalka bisha June, halka 2,000 oo kalena la saaro bisha September ee sannadkan.