6/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 20, 2024
Dowladda Soomaaliya oo Midowga Afrika ka codsatay in dib loo dhigo bixitaanka ciidamada ATMIS
 

Khamiis, Juun, 20, 2024 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa codsatay in hoos loo dhigo bixitaanka ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika, iyadoo ka digtay xaaladda amni darro ee dalka, sida lagu sheegay dukumiintiyo ay aragtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Si kastaba ha ahaatee, warqad ay dowladda Soomaaliya bishii hore u dirtay ku-simaha guddoomiyaha golaha ammaanka iyo nabad-galyada Midowga Afrika, ayay Soomaaliya kaga codsatay in dib loo dhigo illaa bisha Sebtembar kala bar 4,000 oo askari oo ka bixi doona Soomaaliya dhammaadka bishan June.

Dawladda Soomaaliya waxay ku talisay in guud ahaan wakhtiga bixitaanka la beddelo, iyadoo lagu salaynayo diyaargarowga iyo kartida ciidamada Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, Hawlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS), ayaa waxaa ka go'an inay Soomaaliya ka baxaan 31-ka December, iyadoo la filayo in ciidamo cusub oo tiro yar ah lagu beddelo.

Midowga Yurub iyo Mareykanka, oo ah maalgeliyayaasha ugu sarreeya ee ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa isku dayaya in la dhimo howlgalka nabad ilaalinta sababo la xiriira walaac ku saabsan maalgelinta muddada fog iyo sii jirista howlgalkan, ilo diblomaasiyadeed iyo sarkaal sare oo ka tirsan Uganda ayaa sidaasi sheegay.