6/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 19, 2024
Dr. Cabdulaahi Cali oo Soomaalida Maraykanka ka mida oo isku soo taagay Xilka Madaxtinimo ee Jubbland


Arbaco, Juun, 19, 2024 (HOL) - Dr. Cabdulaahi Abdi ayaa isku isku soo taagay in uu u tartamyo xilka madaxwaynaha maamulka jubbland sanad xileedka 2024/2028 , Dr Abdulaahi ayaa ka mid ah Soomaalida Maraykanka dagan Main Portland , sida la sheegay waxuu ku dhashay nawaaxiga Kismaayo waxuuna ka mid ahaa dhalinyaradii ku barbaartay burburkii kadib xeryaha qoxootiga, waxuuuna wax ku bartay dalka Maraykanka uuna ka qaaatay jaamacadaha  Southern New Hamshire University waxuuna darsay cadaalada iyo University of Sauthern Maine waxuuna ka bartay bartay cilmiga bulshada iyo dhaqaalaha waxuuna shahaadada phD ka qaatay Maine .

Dr Cabdulaahi Cali ayaa olalahiisa doorashada halkudheg uga dhigay (Ilayska Jubbland ee Mustaqbalka), Khudbadiisii uu ka jeediyey halka uu ku shaaciyey tartankiisa ayuu ka sheegay in uusan u socon badalida Shaqsi ee doonayo isbadal horemar leh ee ka iftiima Jubbland .

Tiro Siyaasiin ah oo laga soo doortay gobolada Maine iyo Minnesota ayaa Dr Cabdulaahi garbahiisa buuxiyey kuwaas dhamaantood HOL u sheegay in Musharaxaan yahay nin hawlkarnimo iyo hufnaan lagu yaqaanay isagoo xili badan uu ka soo dhex shaqeeyey dalkaan Maraykanka isagoo shantii sano ee ugu danbaysayna arimaha Samfalka iyo horemarinta ka shaqeenayey koonfurta Soomaaliya iyo xeryaha qaxootiga ee Kenya.

Hawlgalka uu ku doonayo olalhiisa ayuu horudhac ama ujeedo uga dhagay bartiisa webside https://draali4jubaland.com oo ku qoray hadalkaan.

Hadafkayagu waa inaan ku hogaamino Jubaland si daacad ah, loo dhan yahay, iyo dadaal aan leexleexad lahayn oo cadaalad ah. Waxaan higsaneynaa inaan awoodno muwaadin kasta si uu u gaaro awooddiisa buuxda, kobcinta midnimo iyo barwaaqo, oo aan u dhisno bulsho adkaysi leh, nabad ah, horumarna leh iyadoo loo marayo maamul hufan, amni adag, iyo horumar waara.

Ugaas Maxamed Ugaas Geedi oo madasha shaacinta doorashada daahfuray ayaa sheegay in Dr Cabdulaahi uu yahay nin og waxa jubbland u baahan tahay halka ay doonaysa in horemar dhaqaalo siyaasad nabadgalyo ay ka ambaqaadayso nin garan kara , awoodna u leh in uu hogaamiyo, Dr Cabdulaahi waxuu yiri waxna waan bartay ,Ganacsi waan waan hal abuuray ,samafal iyo horemar waan gaarsiiyey umaddii marka waan ugu hiilinaa hogaaminta jubbland ayuu ugaasku ku soo gabagbeeyey hadalkiisii.

Murshid Baaruud oo ka mida waxgaradka Minnesota ayaa isaguna yiri Jubbland waa inay ka baxdaa Kismaayo madaxtooyadeeda iyo garoonka diyaaradaha ee in maamulku gaaraa dhamaan labada gobol ee ay ka kooban tahay waana in si dhaba looga xoreeyaa cadowga ka hor taagan horomarka  nolosha.

Dr Cabdirashid Aabi oo ka mida aqoonyahanka Soomaaliyeed ee minnesota ayaa isaguna sheegay in Soomaaliya hada ka jirto is afagard u dhaxeeya Dowlada faderaalka iyo Maamul goboleedyada kaas oo la yiraahdo ‘iska sii jooga, waxuuna aaabi  rajo xumo ka muujiyey in doorasho ka dhacdo maamulka jubbland.waxuuna Dr Cabdulaahi faray in dooda uu gayn doono dalka ay noqoto mid ku salaysan qadiyad fog oo tusaale ugu filan isbadalka uu doonayo.

Dr Cabdulahi Cali ayaa yiri ma ahi nin aan xog badan ka hayn Jubbland waxaan u lee yahay aqoon durugsan dhan walba oo nolosha ka jirta halkaas, jubbland gudaheeda miyi waan ku noolaa magaalona waan ku noolaa labaduba waxay fursad ii siiyeen inaan fahmo waxa jira oo xaqiiiqda ah dadak qabiilka nolosha baahida iyo halka laga abaari karo waxaan ahay qof fahmay daraaseeyey maahi qof u socda shaqsi badal ee waa nidaam hagaaji horemar gaarsii xag walba ayuu yiri musharuxu.

Barnaamijkii uu ku shaaciyey Dr Cabdulaahi Cali Barre doorashdiisa waxaa ka soo qaybgalay dadwayne aad u fara badan waxaana halkaas lagu soo bandhigay khudbado lagu muujiyey rajada ifaysa ee laga filan karo hadii alle ku guuleeyo xilkan waxqabadka Dr Cabdulaahi Cali, Fanaaniinta Dalmar yare, Hodan Cabdiraxmaan, Ilkacase Qays, Bashir Jaawi, Nuur Caraale ayaa iyaguna ku soo bandhigay heeso & murti ay ku taageerayaan musharaxa.

Siyad Said Salah

Hiiraan Online Minnesota