6/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 19, 2024
Wasiir Fiqi: Shabaabku muuqaalka ay soo bandhigeen waxay ku qarinayaan daciifnimadooda
 

Arbaco, Juun, 19, 2024 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dacaayad la buun buuniyay ku tilmaantay muuqaal laga soo duubay Al-Shabaab, oo ay kusoo bandhigeen dagaalamayaal cusub oo qaatay tababar.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa bartiisa twitter-ka ku sheegay in muuqaalka kooxdan uu muujinayo, in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay Al-Shabaab ka beddeleen dagaalyahanno dhab ah una beddeleen jilayaal Hollywood ah.

“Waxaan arkay qaar ka mid ah kooxda argagixisada ah oo sameynaya muuqaal dacaayad ah & buunbuunin. Waxaa daliil u ah in ay daciifnimadooda ku qarinayaan filim si wanaagsan loo soo saaray. Dhanka kale, waa ciidamadeena qaranka kuwa Al-Shabaab ka dhigay dagaalyahanada Hollywood-ka,” ayuu yiri Axmed Fiqi.

Hadalka Dowladda Soomaaliya ayaa yimid saacado kadib markii Al-Shabaab ay soo bandhigeen muuqaal saacado qaatay, kaasoo muujinaya dagaalamayaasheeda oo sameynaya dhoolatus ciidan, iyadoo warbaahinta xiriirka la leh ay sheegtay in muuqaalkan lagu turjumay 7.

Faafinta muuqaalkan ayaa u muuqda mid loogu talagalay in ay Alshabaab ku doonayso in dagaalyahanno badan ka qortaan gobolka maadaama lagu turjumay toddoba luqadood oo ay ku jiraan Soomaali, Ingiriisi, Carabi, Amxaari, Oromo, Sawaaxili iyo Faransiis.