6/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 19, 2024
Afar ka mid ah horjoogayaasha Al-shabaab oo isku soo dhiibay gacanta ciidanka dowladda
 

Arbaco, Juun, 19, 2024 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Buulo xaaji ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in horjoogayaal ka tirsanaa kooxda Al-shabaab ay isku soo dhiibeen ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ee dhawaan la wareegay gacan ku heynta deegaanaas.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in afar ka mid ah horjoogayaashii Al-shabaab u qaabilsanaa deegaanka Buulo xaaji iney isku dhiibeen ciidamadii kooxda kala wareegay maalmo ka hor deegaankaas.

Horjoohayaasha isku dhiibay gacanta ciidanka dowladda ayaa kala ah Amiirkii deegaanka Buulo xaaji, madaxii maaliyadda degaankaas, madaxii Sirdoonka iyo xubin kale oo Al-shabaab madax uga ahaa qaadista xoolaha ay kooxdu ugu yeerto Sakawaadka.

Warka kasoo baxay Warfaafinta Soomaaliya laguma sheegin magacyada horjoogayaasha kooxda Al-shabaab u qaabilsana Buulo xaaji ee isku soo dhiibay ciidamada todobaadkii lasoo dhaafay la wareegay deegaankaas.

Ugu dambeyntii deegaanka Buulo xaaji waxaa Shalay booqasho ku tagay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo halkaasi ka balan qaaday in ciidamada xureeyay deegaanka Buulo xaaji aysan dib uga noqon doonin deegaanka, islamarkaana ay ka hirgelin doonaan dhamaan adeegyada aas aasiga ah.