6/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 16, 2024
Puntland oo ku amartay dadka Itoobiyaanka ah ee Garowe ku sugan inay si degdeg uga baxaan
 

Axad, Juun, 16, 2024 (HOL) - Duqa degmada Garowe, Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud Geeddi ayaa ku amray dadka Itoobiyaanka ah ee ku sugan Garowe inay si degdeg ah uga baxaan, haddii kale in tallaabo laga qaadayo.

Geeddi wuxuu sheegay, in la joogo waqtigii magaalada Garowe laga saari lahaa Itoobiyaanka sharci darrada ku jooga, isagoo ku hanjabay ciddii aan amarka qaadan in iyagoo xirxiran la saaridoono.

“Waxaan rabaa inaan baaq u diro dadka Itoobiyaanka ah ee magaalada ku jooga sharci darrada. In badan waxaan ku dadaalnay in dadkaas lasoo dhoweeyo, laakiin hadda waqtigeedii bay gaartay. Waxaan rabnaa inaan dadkaas u sheegno, cidda aan sharciga ku haysan magaalada Garowe inay isaga baxaay,” ayuu yiri duqa magaalada Garowe.

Hadalkan ayuu guddoomiyaha degmada Garowe sheegay, xilli uu maanta saxaafadda la hadlayay salaaddii ciidda kaddib.

Go’aankaan ayaa kusoo beegmay, iyadoo magaalada Garowe ay si aad ah ugusoo qulqulayaan dadka kasoo jeeda Itoobiya oo leh qowmiyado kala duwan. Dadkan ayaa haatan qaati looga taagan yahay dawarsiga ama Tuugsoga, iyagoo magaalada Garowe lagu arkayo carruur iyo dad waawayn oo suuqyada iyo waddooyinka ka dawarsanaya habeen iyo maalin.

Dadka Itoobiyaanka ah waxay sidoo kale la wareegeen qaar kamid ah shaqooyin ay ku tiirsanaayeen dadka muwaadiniinta ah, sida shaqada caseeyaha ama baalashka, oo ay ku tiirsanaayeen dadka kasoo jeeda qoysaska danyarta ah.

Horey, maamulka degmada Gaalkacyo ee Puntland ayaa dadka Itoobiyaanka uga mamnuucay magaalada Gaalkacyo, kaddib markii walaac laga muujiyay hab dhaqankooda iyo qulqulkooda.