6/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 16, 2024
Madaxweyne Xasan Sheikh: Wada hadal kaste oo aan la galno Alshabaab wuxuu abuuri karaa rajo cusub
 

Axad, Juun, 16, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mar kale ku celiyay in dowladdiisa ay diyaar u tahay inay wada hadal iyo wada xaajood la gasho kooxda  Al-shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa hadalkaan ka sheegay, dood lagu casuumay oo ka dhacday magaalada Oslo ee dalka Norwaay, wuxuuna sheegay, Alshabaab inay ka sugayan in ay diyaar u noqdaan wada xaajoodka dowladda. Inkastoo uu tilmaamay in wada hadalku uu qaadan karo waqti.

“Waxaan aaminsannahay in dhammaadka cayaarta Alshabaab ay tahay wada xaajood, marka ay diyaar yihiin. Waxaanu diyaar ahayn shalay iyo doraad, waxaan weli rajeynaynaa inay diyaar u noqdaan taas,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh.

Wuxuu sheegay, wada hadalka Alshabaab inuu abuuri karo rajo cusub. Sidoo kale wuxuu madaxweynuhu xusay in Alshabab ay u baahan yihiin in ay wax ka beddelaan hab dhaqankooda.

“Cid kaste oo ku qancin karta in ay beddelaan hab dhaqankooda, waxaan qabaa inay tallaabadaas ku dhaqaaqdo,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Waa markii labaad oo madaxweyne Xasan Sheikh uu Alshabaab ugu yeero wadahadal labada sano ee ugu xilka hayo , hase ahaatee, Alshabaab ayaa horey u diiday inay wada hadalka la galaan dowladda.