6/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 16, 2024
Prof: Samatar: Aqoonsi Somaliland usoo socdaa ma jiro
 

Axad, Juun, 16, 2024 (HOL) - Guddoomiyaha Ururka Hillaac Prof: Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in Somaliland anay dadaalkii loo baahnaa galin aqoonsi raadinta.

Samatar oo hadal u jeediyay ardayda Jaamacada New Generation ee Hargaysa, ayaa sheegay in anay jirin doodo cilmiyaysan oo qoran si adduunka loogu qanciyo waxa ay Somaliland tahay.

"Aqoonsi Somaliland usoo socdaa ma jiro, sabab? Waayo maynaan kasban dee, hawsheedii maynaan galin, waa ciyaar ciyaar sheekadii aynu haynay 33kii sannadood, car soo sheeg meel Somaliland qadiyadeedu ku qorantahay oo ay cilmiyaysantahay, waxaynu nahay" ayuu yidhi Samatar.

Samatar ayaa in badan fagaarayaal kala duwan ka sheegay in loo baahanyahay in la diyaariyo dood cilmiyaysan oo ka turjumaysa waxa ay Somaliland tahay iyo wixii ay ahayd xiligii xoriyada iyo ka hor.

Hore waxa uu u sheegay in xuska 26 Juun uu ka muhiimsanyhay 18 May, isaga oo sheegay in 26 Juun ay ka turjumayso dowladnimada Somaliland ee dhabta ah.