6/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 15, 2024
Taliye ka tirsan ciidanka xoogga dalka iyo saraakiil kale oo maanta lagu dilay qarax miino

Sabti, Juun, 15, 2024 (HOL) - Taliyihii guutada 8-aad qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Maxamed Nuur Sheegow oo loo yaqiinay Maxamed Dheere Iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa la xaqijiyay iney ku dhinteen qarax miino oo maanta ka dhacay inta u dhaxeysa degmooyinka Awdiinle Iyo Berdaale ee gobolka Baay.

Qaraxaan miino ee lagu dilay Taliye Maxamed Dheere iyo saraakiisha kale ayaa waxaa fuliyay kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay laga saaray deegaano dhowr ah oo ku yaala wadooyinka isku xira gobolada Baay, Bakool iyo Gedo.

Geerida Taliyihii guutada 8-aad qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saraakiisha kale ayaa waxaa ka tacsiyadeeyay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Rajicuun waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Taliyihii guutada 8-aad Qeybta 60-aad CXD iyo Saraakiil oo shahiiday iyagoo ku jira hawl-gal lagu beegsanayey kooxaha Khawaarijta ah” ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.

Taliyaha maanta lagu dilay qaraxa miino ayaa la tilmaamay inuu ahaa shaqsi door weyn ka qaatay hogaaminta la dagaalanka kooxda Al-shabaab iyo xaqiijinta amniga deegaanada Koonfur Galbeed ee laga xureeyay kooxda Al-shabaab