6/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 15, 2024
Deni oo ugu baaqay Xasan Sheikh in la joojiyo faagista qabuuraha Iskuul Buulisiya
 

Sabti, Juun, 15, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa tallaabo aan wanaagsanayn ku tilmaamay go’aanka ay dowladda Soomaaliya usoo faagayso qabuuraha Iskuul Buuulisiya.

Madaxweyne Deni oo maanta hortagay baarlamaanka Puntland, ayaa ku baaqay in go’aankaas dib loo eego, loona dhimriyo bulshada. Wuxuu sheegay in lagu jiri waqti adag oo ay dadku wajahayaan daruufo nololeed.

Deni waxaa uu sheegay inuu ka warqabo in aysan jirin baahi dhuleed oo Soomaaliya u qabto in qabuuro la faago. Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay xarumihii dowladda iibinayso, sababa la xiriira iyadoo laga maarmay.

“Waxaan ognahay xarumihii dowladda iyo xeryihii dowladda in la yiri 'waa laga maarmay oo waala iibinayaa, haddana laleeyahay qabuuraa laga maarmi waayay waa la faagayaa, waa arrimo aan is qaban karin,” ayuu yiri Siciid Deni.

Madaxweynaha Puntland waxa uu ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheikh inuu bulshada u dhimriyo oo uu ka laabto go’aanada dowladdu soo saartay, iyadoo la ixtiraamayo maalmaha kheyrka badan ee Carafa.

Hadalka madaxweyne Deni ayaa kusoo beegmay, iyadoo dowladda Soomaaliya ay muddo kooban u qabatay dadku inay maydadkooda kalasoo baxaan qabuuraha Iskuul Boolisiya, halkaas oo ay ku aasan yihiin in ka badan 10,000 qof.