6/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 14, 2024
Garaadka Guud ee SSC Khaatumo oo Somaliland uga digay in ay weerarto Laascaanood
 

Jimco, Juun, 14, 2024 (HOL) - Garaadka Guud ee SSC Khaatumo Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa Somaliland uga digay in ay dagaal ku qaado Laascaanood.

Garaadka oo kasoo laabtay socdaal uu ku marayay qaybo kamid ah gobolada Sool iyo Sanaag, ayaa sheegay in dhankooda anay cidkale duulaan ku ahayn.

"Inagu geed kale iyo guri kale duulaan kuma nihin, danina nooguma jirto, lakiinse danteena in aynu ilaashano Ilahay waa inoo baneeyay waynanu awoodnaa, walaalaheena waxaanu leenahay duulaan idinkuma nihin, idina is celiya" ayuu yidhi Garaad Jaamac.

Waxa uu sheegay in Laascaanood uu isagu iska leeyahay, isla markaana aanu cidkale ka qayb  galinayn, isaga oo sheegay in uu maqlayo dad leh Laascaanoood ayaanu ku soconaa oo naga maqan.

Ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC Khaatumo ayaa ku sugan meelo aan kala fogayn oo gobolka Sool ah, iyada oo labada dhinacba ay warbaahinta isku marinayaan hadalo muujinaya colaad.

Taliyaha Millatariga Somaliland ayaa dhawaan sheegay in ay dib u qabsan doonaan Laascaanood, waxa kale oo jira saraakiil ka tirsan SSC Khaatumo oo ku hanjabay in ay Ceerigaabo ku duuli doonaan.