6/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 14, 2024
Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo Maanta si weyn loogu soo dhaweeyay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan
 

Jimco, Juun, 14, 2024 (HOL) - Wafdi aad u balaaran oo uu hoggaaminaayo Ugaaska Beelaha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaaliif ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay degmada Maxaas ee gobolka Hiraan.

Boqolaal dadweyne ah oo isaga kala yimid dhamaan degmooyinka iyo deegaanada gobolka Hiiraan iyo meelo ka baxsan gobolka oo Maxaas u joogay maalmahii lasoo dhaafay shirweynaha beesha Cali Madaxweyne uga socday Maxaas ayaa soo dhaweyn diiran u sameeyay Ugaaska.

Safarkaan uu maanta Ugaaska Xawaadle ku tagay magaalada Maxaas ayaa qeyb ka ah socdaalka Nabadda iyo Midnimada beelaha Xawaadle, waxaana sidoo kale lagu wadaa Ugaas Yuusuf Ugaas Khaliif inuu soo xiro oo uu ka duceeyo shirweyne wadatashi oo maalmahii lasoo dhaafay Maxaas uga socday beesha Cali Madaxweyne oo ka mid ah beelaha Xawaadle.

Masuuliyiin sar sare oo xilal kala duwan ka haya dowladda Fedaraalka iyo maamulada Hiiraan State iyo Hirshabeelle ayaa sidoo kale ku sugan magaaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo halkaasi u jooga soo gunaanudka shirweynaha Cali Madaxweyne oo la filayo in saacadaha soo socda War murtiyeed laga soo saaro.

Beelaha kale ee Beelweynta Xawaadle ayaa si gaar ah isha ugu wada haaya natiijooyinka kasoo bixi doono shirka beesha Cali Madaxweyne ee todobaadyadii lasoo dhaafay ka socday Maxaas.