6/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 13, 2024
Senator katirsan Maraykanka oo ka horyimid howlgallada cusub ee nabad ilaalinta Soomaaliya
 

Khamiis, Juun, 13, 2024 (HOL) - Warbixin uu soo saaray Senator Jim Risch ayuu ku muujiyay sida uu uga soo horjeedo in Soomaaliya loo dhaqan geliyo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee taageerada howlgallada uu hoggaamiyo Midowga Afrika.

Senator Risch ayaa aaminsan in Congress-ka uusan ansixin doonin tallaabadan, taa beddelkeedana uu soo jeedinayo in Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ay diiradda saaraan hirgelinta qorshe lagu heshiiyo iyo xulashada howlgal macquul ah oo ay maalgeliso Qaramada Midoobay.

Mawqifka Senator-ka ayaa ka tarjumaya hab taxaddar leh oo ku wajahan maalgelinta hawlgallada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ay hoggaaminayso iyada oo loo marayo tabarucaad ay Qaramada Midoobay qiimeysay.

Wuxuu sheegay in beesha caalamku u baahan tahay isku dheelitirka rabitaanka lagu taageerayo dadaallada nabad ilaalinta ee Afrika ay hogaamiso iyadoo loo baahan yahay xal wax ku ool ah oo waara.

Ciidamada Midowga Afrika ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ATMIS, ayaa dhammaadka sanadkan la filayaa inay dalka ka baxaan, iyadoo la qorshaynayo in lagu beddeli doono howlgal cusub oo yeelan doona waajibaad cusub.